Guddiga Doorashada Puntland oo shaaciyay jadwalka doorashada 10 kursi ee golaha shacabka JFS

Published: January 16, 2022

Guddiga Maamulka Doorashada heer Dowladd Goboleed (SEIT EE Puntland ) ayaa soo saaray jadwalka doorashada 10 kursi oo ah kuraastii horey loo shaaciyay.

War qoraal ah oo guddiga ka soo baxay ayaa lagu sheegay in 17- Bishaan oo Bari ku beegan ay bilaaban doonto Diwaangalinta,tababarka iyo shaacinta guddiyada xulista ergada wax dooraneyso,halka 18-ka la soo gudbinayo ergada la hubinayo, diwaangalinta iyo tababarka ergada, sidoo kale  20-ka Bishaan ay bilaabaneysa Qabashada araajida, diliwaangalinta iyo hubinta dhamaystirka iyo shuruudaha musharaxnimo.

Guddiga waxa ay sidoo kale shaaciyay in 21-ka Bishaan la qabanayo doorashada qaybta 1aad ee kuraasta Golaha Shacabka ee la shaaciyay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *