Guddoomiyaha la dagaalanka Musuqmaasuqa oo kormeeray Hay’adda Duulista Rayidka

Published: January 16, 2022

Gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa Abuukaate Maxamed Xuseen Xaaamud oo uu hogaaminayo xubno ka tirsan guddiga ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Kormeer ka guddoomiyaha uu ku tagay xarunta ayaa ujeedkeesu ahaa sidii loogu kuur gali lahaa shaqada loo haayo Qaranka iyo Bulshada Soomaaliyeed asaga oo mid mid u tagay goobaha iyo xafiisyada ay ku shaqeeyaan shaqaalaha iyo maamulka Hey’adda.

Intaas kadib Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa Abuukaate Maxamed Xuseen Xaamud oo ay wehliyaan xubnaha guddiga ayaa kullan gaar ah la qaatay maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan iyo labadiisa ku xigeen, waxaana maareeyaha uu warbixin guud ka siiyay guddiga shaqooyinka hey’adda ay u heyso bulshada Soomaaliyeed, hannaanka shaqada iyo shaqaalaha, warbixin la xariirta hawada Soomaaliya iyo dakhliga kasoo xarooda.

Guddoomiye Xaamud ayaa maareeyaha iyo ku xigeenadiisa kula dardaarmay ilaalinta hubnaanta shaqada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *