Jubbaland oo soo saartay liiska kuraas hor leh

Published: January 17, 2022

Guddiga hir-gelinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubaland ayaa soo saaray liiska 13-kursi oo kamid ah 43-ka kursi ee laga soo doorto deegaanada Jubbaland.

Doorashada kuraastaan ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay ka dhacdo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Guddiga doorashada heer jubbaland ayaa horay u shaaciyey liiska 14-kursi, kuwaas oo lix ka mid ah doorashadooda la qabtay.

Maamullada HirShabelle, Galmudug iyo Puntland ayaa saacadihii u damnbeeyey sii daayey liiska kuraas ay maalamaha soo socda qaban doonaan doorashadooda.

Sida ay ku heshiiyeen golaha wadatashiga qaranka dhowr iyo afartanka cisho ee soo socota ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo doorashada xildhibanada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad.

Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya, oo ay ku mideysan yihiin ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa shirkii ay Muqdisho kusoo geba-gebeeyeen 9-kii Janaayo waxay isku raaceen in doorashada Golaha Shacabka lasoo geba-gebeeyo kahor 25-ka bisha Febraayo 2022.

Maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa billaabay dedejinta doorashada Golaha Shacabka, Puntland ayaa shalay soo saartay liiska 10-kii kursi ee ugu horeysay, Galmudug ayaa soo saartay liiska 21-kursi, halka HirShabeelle ay soo saartay liiska 13-kusri, maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in dhamaan kuraastaas lasoo doorto.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *