RW Rooble oo isbitaalka ku booqday dhaawaca Afhayeenka XFS Macalimuu

Published: January 17, 2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa isbitaalka ku booqday Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ku dhaawacmay qarax uu la beegsaday naftiisa halige ka tirsanaa argagixisada Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isbitaalka ku booqday Afhayeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ku dhaawacmay qarax argagixisadu la beegsadeen,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheekeystay Macallimuu oo xaaladdiisu soo hagaageyso, waxa uuna Eebbe uga baryay caafimaad deg deg ah. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay dhaqaatiirta daweyneysa afhayeenka Xukuumadda.”

Isbitaalka Digfeer ee caasimada Muqdisho ayaa lagu dabiibayaa Macalimuu, qaraxaan ayaa ahaa mid kaligiis loo soo qorsheeyey, waxuu ahaa kii shanaad oo Macalimuu uu la kulmay shantii sano ee u dambeysay.

Qaarkood Alle ayaa ka badbaadiyey, halka qaarna ay ka soo gaareen dhaawacyo isugu jiray ku fudud iyo kuwo culus, qaraxii shalay waxaa ku dhintay qofkii nafiisa haligay oo kaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *