Wasiirka Arrimaha Dibadda oo wadahadal la yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka

Published: January 17, 2022

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Marwo Molly Phee oo uu weheliyo Ergayga Gaarka ah ee Dowladda Maraykanka u qaabbilsan Geeska Afrika Danjire David Satterfield.

Wadahadalka Masuuliyiinta ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Maraykanka ee dhinacyada iskaashiga amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika, isaga oo Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali uga mahad celiyey dowladda Mareykanka taageerada ay u fidiso dowladda Soomaaliya.

Dowlada Maraykanka ayaa todobaadkii hore soo saartay digniin ah in ay diyaar u tahay cunaqabateyn la saaro madaxda Soomaalida hadii aan la hirgelin wakhtiga loogu talo galay doorashada la qorsheeyey in lasoo gabagabeeyo 25ka bisha soo socota ee Feberaayo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *