Agaasimaha Guud ee W/ Qorsheynta XFS oo la kulmay Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa

Published: January 18, 2022

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Mudane Asad Yusuuf oo uu wehliyo, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Mudane, Muuse Maxamed Cismaan ayaa kullan manta laa qaatay Guddiga madaxbanaan ee La-dagaalanka Musuqmaasuqa oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga, Abukate Maxamed Xuseen Xaamud.

Iyada oo kullanka loogu hadlay, hanaanka xog wadaaga ah, xoojinta wada shaqaynta labada hay’adood, iyo doorka la dagaalanka musuq-maasuqa ee fulinta Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo mashaariicda guud ee waddanka sidii door wanaagsan ugu qaadan lahaa Guddigan oo garab ka helayo Wasaaradda Qorsheenta Qaranka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa soo dhaweeyay dhankiisa wajiga cusub ee wada shaqeynta iyo iskaashiga dhaxmaraya labada hay’adood ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo shaqooyin muhiim ah ugu xilsaaran qaranka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *