Ciidanka xoogga dalka oo deeq raashiin ah gaarsiiyay qoysas dan yar ah

Published: January 18, 2022

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa raashiin isugu jira bur,bariis,baasto, sokor, saliid iyo timir u qeybiyay qoysas dan yar ah oo dhawaan kasoo qaxay tuulooyin ku teedsan magaalada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

Ciidanka oo iska soo jaray raashiinka ay qaadanayeen kana damqaday dadka tabaaleysan ee ay nabad-diidku cunaqabateeyeen ayaa qoysaskani ugu tagayay xaafadaha ay ka degeen degmada Buulo-burte.

Taliyaha qeybta ururka 41-aad ee CXD, Maxamed Muumin Cilmi ayaa u mahad celiyay saraakiisha, saraakiil xigeennada iyo dableyda ciidanka uu madaxda u yahay ee gartay inay garaamaadkooda iska soo jaraan kuna taakuleeyaan dadka tabaalaysan, wuxuuna dowladda dhexe, hay’adaha samafalka iyo maamulka Hirshabeelle ugu baaqay inay gacan lasoo gaaraan dadkan.

Dadka tabaalaysan oo kasoo barakacay degaannada ay go’doomiyeen argagixisada Al-shabaab ayaa la il-daran dhibaatooyin kala duwan oo u geysteen nabad-didka, kuwaas oo dulsaar ku ah qoysas eheladooda ah oo ku nool degmada Buulo-burte.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *