Qaar ka mid ah shirkadaha waxbarasho ee Soomaaliya iyo Suudaan oo heshiis kala saxiixday

Published: January 18, 2022

Mas’uuliyiin ka kala socotay Akademiyadda waxbarashada Qaamuus International ee uu fadhigeedu yahay Muqdisho iyo shirkadda waxbarashada Zafar ee dalka Suudaan ayaa heshiis iskaashi iyo is afgarad lagu tayaynayo tacliinta ardayda labada dal ku kala saxiixday magaalada Khartum ee caasimadda Suudaan.

Munaasabaddan oo ay ka qayb galeen xubno ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan, ganacsato, shirkado iyo aqoon yahanno ayaa ugu horreyn waxaa ka hadlay, Axmed Muntasim oo ka tirsan mas’uuliyiinta shirkadda Zafar, wuxuuna sheegay inay bixiyaan deeqa waxbarasho iyo tababarro, isagoo xusay in ay waxbarashadu tahay furaha ugu muhiimsan ee horumarka nolosha gaar ahaan aadanaha.

Madaxa golaha maamulka ee shirkadda Qaamuus, Dr; Cabdiraxiin Ismaaciil Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Akadeemiyada Qaamus ay habka Online-ka ah ku bixiso casharrada , isagoo intaa ku daray inay had iyo goor xoogga saaraan halka ay ka jiraan baahiya waxbarasho.

Dr; Cabdiraxiin ayaa sheegay inay diiradda saaraan caawinta ardayda billaabaysa heerka koobaad ee waxbarshada, marka uu soo dhammaysto Jaamacadda tallaabbada uu qaadi lahaa iyo siduu ku heli lahaa xirfada uu ka shaqeeysto.

Qaamuus Soomaaliya iyo Zafar Suudaan ayaa waxay hab Online ah casharro kusiiyaan ardayda ku jirta heerarka sare ee tacliinta, iyagoo bixiya tababarro iyo talooyin ku aaddan sidii ay ugu shaqaysan lahaayeen cilmiga ay barteen, waxanay ma’uuliyiintii kulanka goobjoogga ka ahayd isku afgarteen inay iska kaashan doonaan tayaynta aqoonta ardayda labada dal.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *