Wasiirka Gaashaandhigga oo cambaareeyay falkii argagixisadu ka geysteen goob Maqaaxi ah

Published: January 18, 2022

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa cambaareeyey falkii foosha xumaa ee argagixisadu ku kaceen.

“Waxaan cambaareynayaa falka wushuushnimadda ah ee argagixsada ay ku dhibaateeyeen shacab aan waxba galabsan oo ku sugnaa goob maqaayad ah.

Waxaan Allah (SW) uga baryayaa in uu Janada ka waraabiyo intii ku shahiidday, caafimaad deg-deg ahna siiyo intii ku dhaawacantay.

Dowlad iyo shacab, waxaa lagama maarmaan ah inaan u istaagno sidii aan isaga qaban laheyn cadowgaan arxanka daran” ayuu yiri Wasiir Cabdiqaadir.

أن لله وأنا إليه راجعون

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *