Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo shaaciyey Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergada lix kursi

Published: January 19, 2022

Guddiga maamulka doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa goor dhow guddiga hergalinta doorashooyinka heer Federaal u soo gudbiyay Odayaasha dhaqanka iyo xubnaha ururada bulshada ee soo xulaya ergada codbinta kuraasta tirsigoodu yahay HOP#028, HOP#093, HOP#107, HOP#111, HOP#114, HOP#118.

Lixdaan kursi oo kamid ah kuraas dhawaan Guddiga doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland uu shaaciyey in doorashadooda la qabanayo ayaa maanta la diiwaan galiyey odayaasha dhaqanka iyo xubnaha ururada bulshada ee soo xulaya ergada codbinta kuraastaan.

In la shaaciyo cidda soo xuleysa ergada kursi walba ka hor intaan la dooran ayaa kamid ahaa qodobaddi lagu soo saaray heshiiskii shirkii ugu dambeeyey ee golaha wadatashiga Qaran ee lagu jiheynayey doorashada golaha shacabka iyo hab-raacyadda doorashadda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *