Jubbaland oo shaacisey Jadwalka doorashada lix Kursi

Published: January 19, 2022

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa shaacisay jadawalka qabashada doorashada lix kursi oo kamid ah 14-kii kursi ee la shaaciyay bishii hore (13/12/2021).

Guddiga ayaa sheegay in 19-ka Bishaan oo maanta ku beegan ay shaacin doonaan guddiga xulista Ergada doorashada lix-da kursi, islamarkana Bari ay bilaabayaan qabashada Ergada iyo diiwaangalinta Musharaxiinta.

Wuxuu sidoo kale guddigu sheegay in 22-ka Bishan  ay tababarayaan Ergada dooraneyso kuraasata Golaha shacabka, maalinta 23-ka Bishana ay qaban doonaan  doorashada lixda kursi.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *