Wasaaradda Beeraha oo Muqdisho ka daah furtay Shirka Madasha Qaran ee Beeraha

Published: January 19, 2022

Shirka Madasha Qaran ee Beeraha oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya waa madal Afartii bilba mar ay ku kulmaan agaasimayasha guud ee wasaaradaha Beeraha ee heer Federaal iyo heer maamul goboleed, taas oo looga wada hadlo shaqooyinka hor tabinta leh ee u yaala dhinacyada sida dhiirigelinta Beeraleyda, kobcinta wax soo saarka, kawada shaqeynta Istaayijiyadda Qaran ee Beeraha, Ka doodida Habraaca loo maro Abuurka iyo xoojinta Mashaariicda beeraha ee ka socda dalka .

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Xaamud Cali Xasan oo shirka furay ayaa madaxda ku booriyay inay isku xirnaan muujiyaana si loo gaaro hadafka ah in dalka la gaarsiiyo isku filnaanso dhanka Cuntada ah oo dhameystiran.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Nuur Yuusuf Nuur oo madasha ka hadlay ayaa Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Beeraha ee Dowlad Goboleedyada ku amaanay shaqooyinka wanaagsan oo ay qabteen, wuxuuna ku booriyay inay xooga saaraan xaqiijinta barnaamiyada Hor tabinta leh ee horyaala si looga mirodhaliyo hadafyada waaweyn ee u dagsan.

Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradda Beeraha ee Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa madaxda Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ku bogaadiyay qabashada shirkan oo ay tilmaameen inuu ahmiyad weyn ugu fadhiyo Beeraleyda Soomaaliyeed.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Shir hal maalin ah xitaa in la qabto oo 10 qof ka qayb geleyaan ma FOA iyo European Union yaan u baahannay__
    Allow noo gargaar!