Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal ka fuliyey nawaaxiga Guriceel iyo Ceelbuur

Published: January 23, 2022

Ciidamada Kumaandooska Gor-Gor oo saakay howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka dhagaxyaale oo dhanka Koofureed ka xiga degmada Guriceel ayaa ka hortagay maleeshiyaad argagixisada  ka tirsan oo xilligaasi ku howlanaa abaabulka weerar gaadmo ah oo ay ku dhibaateyn lahaayeen dadka shacabka ah.

Sidoo kale, ciidamada ayaa howlgalka ku dilay horjooge lagu magacaabo Daa’uud Ibrahim Shaambil oo Argagaxisada u qaabilsanaa deegaanada u dhexeeya Ceelbuur iyo Guriceel.

Saraakiisha ciidanka GorGor ayaa soo bandhigay meydadka maleyshiyaad ka tirsan Argagixisada Al-shabaab, kuwaas oo lagu dilay dagaalka ka dhacay dhagaxyaale, waxaana isla goobta looga furtay argagaxisada hub, gaari nuuca raaxada ah iyo miino aysan wali adeegsan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *