Wasiir Beyle oo ka hadlay halka ay marayaan howlaha maaliyadeed ee dalka

Published: January 25, 2022

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta faah-faahin ka bixiyay halka ay marayaan howlaha maaliyadeed ee dalka, kadib shir saxaafadeed uu ku qabtay xafiiskiisa.

“Waxa aan faah-faahiyay dedaallada Dowladda ee dib-u-habaynta Maaliyadda, saameynta dakhli uruurinta xilliga doorashooyinka iyo taageerada maaliyadeed ee beesha caalamka” ayuu yiri wasiirku.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay inay ka go’an tahay had iyo jeer inay bulshada la wadaagto warbixinnada ku saabsan habka loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *