Faahfaahin: Dil Iyo Qarax Ka Dhacay Boosaaso

Published: January 26, 2022

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa galabta ka dhacay meherad ganacsi oo ku taalla agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Inta la xaqiijiyey qaraxa waxaa ku geeriyooday hal qof oo ka tirsanaa wasaaradda arrimaha gudaha Puntland, horey usoo noqday guddoomiyihii deegaanka Wardheer ee gobolka Bari kaasi oo lagu magacaabi jirey Maxamed Baxwal, halka dhanka kalena ay ku dhaawacmeen dad uu kamid yahay taliye kuxigeenkii hore ee booliska gobolka Bari Axmed Jaraale.

Qaraxa galabta ayaa kusoo aadaya iyadoo maanta barqadii koox dablay ahi ku dishay bartamaha magaalada Boosaaso, taliyihii hore ee kontroolka weyn ee magaaladaasi, Barkhad Guduudane Buryar.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay falalkan, ciidamada amaankuna kama hadlin dhacdooyinkan lidiga ku ah amniga xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *