Xarunta cusub ee Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka

Published: January 27, 2022

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa Arbacadii shalay ku qabsoontay munaasabad xarigga looga jarayey Xarunta Cusub ee Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Qaranka oo loogu magac daray Marxuumka Cabdi Xaaji Gobdoon oo ka mid ahaa tiirarka warbaahinta Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada oo ay weheliyeen Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo xarigga ka jaray Xaruntan ayaa tilmaamay mihiimadda ay leedahay maamuuska iyo xuska halyeeyadii u soo adeegay dalkeenna, taas oo dhiirri-gelinaysa dhallinyarada maanta u taagan horumarinta dalkooda.

Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed, Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi, suxufiyiin hore iyo qaar ka mid Agaasimeyaasha Warbaahinta Dalka ayaa ka warbixiyey taariikhdii uu Marxuum Cabdi Xaaji Gobdoon ku lahaa horumarinta Warbaahinta Dalka, waxa ayna Alle uga baryeen in uu ka abaal mariyo dadaalkii uu ku bixiyey dowladnimada iyo horumarinta afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Gabagabadii Munaasabadda Xarig jarka waxaa shahaado sharaf dhiirri-gelin ah lagu guddoonsiiyey hawl-wadeennada Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada JFS, iyada oo lagu bogaadiyey shaqada hufan iyo hawl-karnimada ay ugu adeegeen dalka iyo dadkooda.

Munaasabadda waxaa ka qayb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Xamse Saciid Xamse, Wasiiru-dowlaha Waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri), Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise, Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed, Xildhibaan Prof. Cabdiraxmaan Ibraahim Ibbi, Agaasimeyaal ka tirsan Waaxyaha Madaxtooyada, Masuuliyiinta Warbaahinta iyo Bahda Saxaafadda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *