Ciidamada amniga oo howlgalo amniga lagu sugayo ka sameeyay Garbahaareey

Published: January 30, 2022

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo isugu jira Millateri, Boolis iyo Nabadsugid ayaa howlgal lagu xaqiijinayo amniga waxay ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Ujeedka howlgalka oo ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay ayay ciidamada ugu fuliyeen guryaha xaafadaha, iyagoo xog-wareysanayay dadka iyo darawalada gaadiidka, waxaana lagu soo qabtay dad aad u fara badan oo baaritaan dheer ka dib qaarkood damiin lagu sii daayay.

Taliyaha Guutada 10-aad qeybta 43-aad ee ciidamada dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle sare Warfaa Sheikh Aadan Faroole oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in qorshaha howlgalka uu yahay mid lagu sugayo amniga magaalada Garbahaareey laguna ciribtirayo nabad-diidka Al-Shabaab.

Gaashaanle Warfaa, ayaa shacabka gobolka Gedo ugu baaqay in aysan guryaha ku qarsan cadowga dhibaateynaya,islamarkaana laamaha amniga ku wargeliyaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *