Somaliland oo Maraykanka u balanqaaday Saldhiga iyo Dekada Berbera

Published: February 1, 2022

Sida ay qortay jariirada (The Wall Street Journal) Maamulka Somaliland ayaa dadaal ugu jira inuu siiyo ciidamada Maraykanka isticmaalka dekeda iyo garoon diyaaradeed tillaabadan oo qeyb ka ah dadaalka Soomaliland ee in loo aqoonsado waddan madax-bannaan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo rajaynaya inuu ka faa’iidaysto walaaca sii kordhaya ee Maraykanku ka qabo galaangalka Shiinaha ku yeeshay Qaarada Afrika, ayaa waxa uu qorsheynayaa inuu bisha soo socota ee Maarso socdaal ku tago magaalada Washington, isagoo indho-indheenaya xiisaha Maraykanku u qabo isticmaalka xarumaha Berbera. Magaaladu waxay ku taal gacanka Cadmeed, oo ah marin muhiim ah oo isku xidha Badweynta Hindiya, Kanaalka Suweys iyo Badda Mediterranean-ka.

Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland, Dr.Ciise Kayd

Madaxweynuhu waxa uu si dhab ah u soo dhawaynayaa joogitaanka Maraykanka iyo ilaalinta marin-biyoodka,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr.Ciise Kayd.

“Mareykanku waa inuu si degdeg ah uga falceliyaa,” ayuu yiri Mr. Kayd.

Sodonkii sano ee lasoo dhaafay, Somaliland waxay waday olole aan midho-dhal lahayn oo ay caalamka ugu aqoonsanayso dal madax-bannaan.

Waxaa sii xoogeysanaya carada ka jirta Washington oo ay ka qabto dowladda Soomaaliya ee uu Mareykanku taageero ee Muqdisho, taasoo dib u dhac ku keentay doorashooyinkii, isla markaana ku dhex milmay isqabqabsi siyaasadeed, inkastoo Mareykanka uu labaatan sano kaalmeyn jiray, haddana wuxuu ku guuldareystay inuu ka takhaluso Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacidda oo wacad ku maray inay weerari doonaan danaha Maraykanka ee Afrika iyo meelo kale.

Niyad-xumada ka muuqata Muqdisho, oo ay weheliso walaaca laga qabo dagaalka dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya iyo inqilaabkii milatari ee dhawaan ka dhacay Suudaan, ayaa qayb ka ah rajada iyo fursada hada u muuqata Somaliland.

Senator Jim Risch oo u ololeenaya Somaliland

Xasilooni la’aanta sii socota ee Geeska Afrika iyo kor u qaadista tartanka caalamiga ah ee kheyraadka iyo saameynta ayaa ka dhigaysa mid aad muhiim u ah in aan la shaqeyno saaxiibada isku fikirka ah ee gobolka, sida Somaliland, oo ay ka go’an tahay nabadda, dimuqraadiyadda, iyo barwaaqada,” ayuu yiri Senatorka laga soo doorto gobalka Idaho Mr.Jim Risch, oo ka tirsan xubnaha Jamhuuriga ee Guddiga Xiriirka Dibadda.

Maamulka Biden wuxuu ku adkeysanayaa mawqifkii Mareykanka ee uu mudada dheer haystay ee ahaa in Soomaaliya oo ay ka jiraan dagaalo qabiilo iyo qeybsanaan gobol — waa in ay sii ahaato hal Waddan. Sidoo kale inta badan dawladaha Afrika ayaa ka caga jiida inay sameeyaan wax kasta oo dhiirigelin kara dhaqdhaqaaqyada gooni-u-goosadka oo saameyn kara dalalkooda.

Dhanka kale, Diblumaasiyiinta Mareykanka ayaan qarsanin sida ay uga xun yihiin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo muddo sanad ka badan ka dib u dhigay doorashada, iskuna dayay inuu si KMG ah xilka ugu kordhisto.

Maamulka Trump ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka saaray Soomaaliya boqolaal ka tirsan ciidamada Kumaandooska Mareykanka, halkaasoo ay ku tababarayeen ciidamada DANAB oo la dagaalama Al-Shabaab, waxaana loo raray dalalka Jabuuti iyo Kenya.

Maamulka Biden ayaan weli shaacin in ciidamada Mareykanka ay dib ugu celinayaan saldhigyada ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Doodda ku saabsan mustaqbalka Somaliland ayaa ku soo beegantay iyadoo Maraykanka iyo Shiinaha ay ku tartamayaan saamaynta ay ku leeyihiin Afrika.

Sannadkii 2017-kii, Shiinuhu waxa uu Jabuuti ka furay saldhigoodii millatari ee ugu horreeyay oo ay dibada ku leeyihiin, oo ku dheggan Somaliland, oo ku yaalla marinka Bab el-Mandeb, oo ah meel halis ah oo u dhaxaysa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Saldhigga Shiinaha oo ay saraakiisha Maraykanku sheegeen in uu ku filan yahay in lagu xidho markab xambaara diyaaradaha iyo maraakiibta Nukliyeerka ah ayaa ku yaal meel (6 mile) u jirta saldhigga ugu weyn ee ciidamada Maraykanku ku leeyihiin Afrika ee Camp Lemonnier oo ay ku sugan yihiin 4,500 oo askari oo Maraykan ah.

Inkastoo aysan muujinin wax calaamad ah oo ay ku doonayso inay sidaas sameyso, haddana Jabuuti waxay si sharci ah uga codsan kartaa Maraykanka inuu xidho saldhiggiisa wakhti kasta, taasoo ka dhigaysa ciidamada Maraykanka inay u hanqal taagayaan sidii ay meel kale u heli lahaayeen.

Hay’adaha sirdoonka Maraykanka ayaa rumeysan in Shiinaha uu sidoo kale doonayo in uu saldhig ciidan ka samaysto dalka (Equatorial Guinea), oo ku yaal xeebta Atlantic ee Afrika. Washington waxay u aragtaa tallaabadan oo kale mid khatar gaar ah leh waxayna isku dayaysaa inay ku qanciso dawladda Equatorial-Guinea inay diido codsiga Shiinaha.

Maamulka Somaliland ayaa u arka in tartanka quwadda weyni inuu fure u yahay xoojinta maqaamkooda caalamiga ah oo ay muddada dheer raadinayeen.

Haddii Shiinuhu uu xoog ama hab kale ku qabsado dalkeenna, markaa marin-biyoodyada wuxuu u gacan geli doonaa Shiinaha,” ayuu yidhi Md. Kayd, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Muqdisho ayaa diiday dadaallada ay Somaliland ku raadineyso in loo aqoonsado dal madax-bannaan. Wada xaajoodyadii labada dhinac ayaa lagu guuldaraystay.

Aad ayay u caddahay in Soomaaliya aysan aqbali doonin in dalka la kala qaybiyo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al Cadaala, wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Wuxuu sheegay in dastuurka dalka uu mamnuucayo in la kala tago.

Somaliland waxay hore u muujisay inay door bidayso in lagu daro xerada reer galbeedka.

Somaliland waxay sanadii 2020 xiriir dublamaasi la yeelatay jasiirada Taiwan, jasiiraddan ayuu Shiinaha u arkaa qeyb kamid ah dalkooda. Shiinaha oo talabaadan kasoo horjeestay ayaa sheegay inuu xoojinayo xiriirka uu la leeyahay Dowlada Soomaaliya ee Muqdisho.

Bishii Agoosto, markii ciidamada Maraykanku kasoo baxeen Afgaanistaan, Somaliland waxay u soo bandhigtay Maraykanka in dhulkooda la keeno kumanaan qaxoonti ah ee dadkii la shaqeyn jiray Maraykanka oo hadda ka baxsanaya Talibanka. Balse waxaa soo jeedintaas ka diiday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.

Isla bishaas, waxa magaalada Berbera ka soo degtay diyaarad nooca xamuulka qaada oo Maraykanku leeyahay oo siday tobaneeyo askari oo Maraykan ah, kuwaas oo qiimayn ku sameeyey dekedda iyo garoonka diyaaradaha, sida ay sheegeen saraakiil maxalli ah iyo kuwo Maraykan ah. Jidka diyaaraduhu wuxuu ka mid yahay kuwa ugu dheer Afrika, waxaana dowladii hore Soomaaliya madaarkaasi ka kireysay Maraykanka si uu halkaasi u isticmaalo shuttle-ka hawada sare ee NASA hadii loo baahdo, walow aysan marna isticmaalin garoonkaas.

Shirkadda Imaaraatka ee DP World ayaa leh 65% dekedda Berbera, iyadoo Somaliland ay haysato 35%, sida ay sheegtay xukuumadda Somaliland.

Ciidamada Maraykanku waxa ay leeyihiin “ xaruntooda kowaad waa Jabuuti laakiin waxay doonayaan inay helaan qorshe labaad, Somaliland-na waxa ay noqon doontaa qorshaha (Plan B),” ayuu yidhi Tibor Nagy, oo kamid ahaa Saraakiishii dublamaasiyadda Wasaaradda arrimaha dibadda ee Afrika xilligii maamulka Trump.

Bishii Nofembar, Mr. Kayd, oo ah muwaadin Maraykan ah, horena u ahaa dhakhtar cilmi-nafsiga neerfaha ee isbitaalka magaalada Boston, ayaa booqday Washington si uu uga shaqeeyo xiriirka Congress-ka Maraykanka.

Bishii xigtay, koox ka mid ah kaaliyeyaasha sare ee Congress-ka Maraykanka ayaa booqasho ku tagay Berbera iyo Hargeysa — socdaalkaasi oo qeyb ka ahaa dadaalka xulafada Maraykanka ee Somaliland si ay dardar u geliyaan qorshaha maamulka Hargeysa.

Magaalada London, xildhibaanada taageersan Somaliland ayaa bishii hore ku yeeshay dood baarlamaan oo ay dabada ka riixayeen in la aqoonsado, balse siyaasadda U.K ayaa weli ah in Soomaalida u taal dhexdooda inay go’aan ka gaaraan mustaqbalkooda.

Maamulka Somaliland ayaa qirtay inaysan u badneyn inay ku guuleystaan ​​aqoonsi ballaaran iyo kursi ay ka helaan Qaramada Midoobay dhawaan. Taas beddelkeeda, iyaga iyo xulafadooda Washington waxay raadinayaan tallaabooyin ku-meel-gaar ah oo sii qoto dheereeya macaamilka tooska ah ee u dhexeeya Somaliland iyo dawladaha kale.

Halkii ictiraafka, yoolkeena ugu weyni hada waa xiriirka diblumaasi,” ayuu yidhi Mr. Kayd.

Sannadkii hore, Mr. Risch, oo ah senator-ka laga soo doorto (Idaho State) ee Maraykanka, ayaa soo bandhigay sharci u baahan in Pentagon-ka ay daraasad ku sameeyaan fikradda iskaashiga difaaca laba-geesoodka ah ee u dhexeeya Maraykanka iyo Somaliland, iyada oo laga gudbayo Muqdisho. Qorshahan ma guuleysan, laakiin Mr. Risch waxa uu damacsanaa inuu bilaabo wadahadalka tooska ah ee dhexmara Washington iyo Hargeysa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *