Afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo lagu doortay Dhuusamareeb

Published: February 3, 2022

Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Gobaleedka ee Galmudug ayaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ku qabtay doorashada Afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo degaan doorashadooda tahay degaannada Galmudug.

Cabdisamad Macallin Maxamuud ayaa ku guuleystay kursiga sumadiisu  tahay Hop#139 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo doorashadooda ka qabsoontay Magaalada Dhuusamareeb.

Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa ku guuleystay kursiga sumadiisu  tahay Hop#049 ee golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo doorashadooda ka qabsoontay magaalada Dhuusamareeb.

Xuseen Maxamed Nuur ayaa ku guuleystay kursiga sumadiisu  tahay Hop#051 ee golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo doorashadooda ka qabsoontay magaalada Dhuusamareeb.

Dayax Axmed Cumar ayaa ku guuleystay kursiga sumadiisu  tahay Hop#061 ee golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo doorashadooda ka qabsoontay magaalada Dhuusamareeb.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *