Axmed Madoobe oo shaqaalaha rayidka uga digay inay ku dhex milmaan Siyaasada – Video

Published: February 3, 2022

Madaxweynaha Dowladda Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa xarunta aqalka martida ee Dowladda Jubaland kulan casho sharaf iyo sagootin ah ugu sameeyey Guddiyada shaqaalaha rayidka heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir kuwaa oo shantii casho ee lasoo dhaafay kulan wadatashi ah oga socday magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland oo la hadlayey dhamaan guddiyada shaqaalaha rayidka ee kasoo qayb galay kulanka sagootinta ah waxa uu kula dardaarmay in si hufnaan leh oo cadaaladi ku dheehantahay loogu adeego shaqaalaha rayidka, kuwaa oo udub dhaxaad u ah jiritaanka Dowladd-nimada.

Shaqaalaha rayidka ah ayuu sheegay Madaxweynaha in loo baahanyahay in la ilaaliyo xuquuqda ay leeyihiin, sidoo kalena lagu ilaaliyo waajibaadkooda shaqo.Ugu dambeeyntii Guddiyada shaqaalaha rayidka heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir ayaa ka mahadceliyey sida wanaagsaneyd ee loogu soo dhaweeyey Jubbaland iyo sidoo kale casha sharaftii uu caawa u sameeyey Madaxweynaha Dowladda Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *