Kulankii Todobaadlaha ee Golaha Wasiirada Jubbaland

Published: February 3, 2022

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam  ayaa shir gudoomiyey kulanka golaha Wasiirada Jubaland,isagoo golaha warbixin guud ka siiyey xaaladda Amniga, abaaraha ka jira deegaanada Jubaland, iyo booqashadii ay shalay Kismaayo ku timid safiirka UK ee Soomaaliya.

Warbixinta amniga ayaa ugu horreeyntii golaha looga hadlay, waxaana la bogaadiyey Ciidamada Jubaland qaybahooda kale duwan kuwaa oo kujira baacsiga kooxaha nabad diidka ah iyo adkeeynta amaanka guud.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland ayaa sheegay inay wado gurmadyo kale duwan oo ku saabsan sidii gurmad xooggan loogu fidin lahaa dadka ay abaaruhu ku dhaceen, ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayuu sheegay Madaxweynaha in ay kala hadleen sidii ay qeyb weyn oga qaadan lahaayeen gurmadka loo sameenayo dadka ay abaartu saameysay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale golaha wasiirada oga warbixiyey kulankii shalay uu la qaatay Safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya Kate Foster kaa oo diiradda lagu saaray sidii ay Dowladda UK qeyb oga qaadan laheyd gurmadka abaaraha.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *