Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay wafdi ka socday Hay’adda IOM

Published: February 7, 2022

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka  Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Hay’adda Caalamiga ah Socdaalka IOM Maxamed Abdikheer waxaana wehlinayey  Wakiilka Hay’ada IOM  u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa wafdiga Hay’ada IOM kala hadlay qorshayaasha dhowr  iyo kuwa fog ee loo baahanyahay in Hay’adda ay ka qabato deegaanada Jubbaland, iyadoo ay muhiimada koobaad la saarayo sidii deg deg looga jawaabi lahaa arrimaha abaaraha ee ka jira deegaanka, dadka xiligan la ildaran abaartana loo gaarsiin lahaa biyo, cuno, agabyada lagu dhisto hoyga iyo adeegyada caafimadka oo aasaasi u ah nolasha aadanaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kala hadlay madaxda Hay’adda IOM sidii xal loogu heli lahaa musiibooyinka soo noqnoqda, dadkana loogu abuuri lahaa fursado ay ku hormariyaan nolashooda.

Ugu dambeeyntii Jubbaland iyo Hay’ada IOM ayaa kawada hadlay sidii loo adkeeyn lahaa iskaashiga labada dhinac iyo mashaariicyada kale ee laga fuliyo deegaanada Jubbaland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *