Macron oo booqday Kyiv ka dib kulankii uu lasoo yeeshay Putin

Published: February 8, 2022

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku sugan Kyiv si uu wadahadal ula yeesho Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, isaga oo raadinaya heshiis laga gaaro xiisada Reer Galbeed iyo Ruushka ee ku aadan dalka Ukraine.

Kulanka maanta oo Talaado ah ayaa imaanaya maalin kadib markii uu magaalada Moscow Mr.Macron kulasoo kulmay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wadahadalo qaatay in ka badan shan saacadood, taasoo muujineysa dadaalkii ugu weynaa ee uu hogaamiyo reer galbeed ah sameeyo xiligan.

Maalmaha soo socda waxay noqon doonaan kuwo go’aan qaadasho leh waxayna u baahan doonaan wadahadalo degdeg ah oo aan si wadajir ah u wadi doono,” Macron ayaa u sheegay suxufiyiinta ka dib markii uu la kulmay Putin.

Madaxweynaha Faransiiska wuxuu sheegay inuu u soo jeediyay Putin “dammaanad amni oo la taaban karo”, arrintaasi oo laga yaabo inay hoos u dhigto xiisaddan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *