Madaxweyne ku-xigeeenka Puntland oo qaabilay saraakiil ka socda Qaramada Midoobey

Published: February 8, 2022

Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Siciid Cabdi Muumin iyo saraakiil ka socday hay’adaha Caalamiga ah ee Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Aadanaha UNSOM iyo UNICEF.

Ujeeddada Kulanka ayaa ahayd Ilaaaalinta Xuquuqda Aadanaha iyo sidii loo xoojin lahaa doorka ka wada qaybgalka hurumarinta iyo Ilaaaalinta Xuquuqda Aadanaha.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa xafiiska xuquuqul aadanaha Puntland uga mahadceliyay shaqada muhiimka ah ee ay shacabka u hayaan, waxaana uu ku booriyay inay howsha halkaa kasii wadaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *