Dalalka Ruushka iyo Belarus oo bilaabay dhoolatus Militari

Published: February 10, 2022

Ciidamada Ruushka iyo Belarus ayaa maanta oo khamiis ah bilaabay dhoolatus milatari oo wadajir ah kaas oo walaac ku abuuray wadamada reer galbeedka iyadoo laga cabsi qabo in Moscow ay qorsheyneyso in ay sii huriso colaada Ukraine.

Dhoolatuskan oo lagu qabanayo gudaha dalka Belarus ayaa socon doona illaa 20-ka bishaan Feberaayo, waxaana loogu magacdaray “cabudhinta iyo ka hortagga gardarrada dibadda,” sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Ruushka.

Dhoolatuskan militari waxa uu sii xumeeyeen xiisada u dhexeysa Ruushka iyo reer Galbeedka oo Ruushka ku eedeeyay in uu ku dhawaad 100,000 oo askari soo dhoobay xaduuda uu la wadaago Ukraine.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *