Maraykanka oo Sacuudiga u balanqaaday inuu ka difaaci doono weerarada Xuuthiyiinta

Published: February 10, 2022

Madaxweynaha Mareykanka oo khadka taleefoonka kula hadlay Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan, xilli ay sii kordhayaan weerarada Xuutiyiinta Yemen ay ku hayaan Boqortooyada.

Joe Biden ayaa markale balanqaaday in Mareykanka ay ka go’an tahay in uu taageero Sacuudi Carabiya, kana hortago weerarrada fallaagada Xuutiyiinta Yemen, sida uu sheegay Aqalka Cad, kadib markii Madaxweynaha Mareykanka uu taleefoon kula hadlay Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis Al Sacuud.

Warka kasoo baxay Mareykanka ayaa yimid iyadoo Xuutiyiintu ay xoojiyeen weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drone) iyo gantaalada ay la beegsanayaan Sacuudiga, waxayna bilaabeen inay si toos ah u beegsadaan Imaaraadka Carabta (UAE), oo ah xulafada Sacuudiga.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *