France: Mudaharaad Rabshado wata oo ka dhacay Paris

Published: February 12, 2022

Booliska oo hawlgeliyey ciidamo gaaraya 7000 oo askari ayaa sheegay in ay joojiyeen 500 oo baabuur oo doonayay in ay galaan magaalada Paris.

Booliiska Faransiiska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku furay dibadbaxayaal ku sugnaa waddada Champs Elysees ee Paris Sabtidii wax yar ka dib markii goobtaasi soo buuxiyeen gaadiid badan iyo dad ka mudaaharaadayay xanibaada COVID-19 oo ay dowlada soo rogtay.

Mudaaharaadyada Faransiisku waxay ka soo horjeedaan sharciyada u baahan kaarka tallaalka si loo galo meelo badan sida makhaayadaha iyo goobaha kale ee la isugu yimaado.

Xili ay ka hartay Doorashada Madaxweynaha wax ka yar laba bilood ayuu Madaxweyne Emmanuel Macron iyo dowladdiisu si weyn uga soo horjeedaan mudaaharaadyada inay ku soo bataan caasimada iyagoo ka cabsi qaba kacdoon lamid ah kii dowlada looga soo horjeeday ee sanadkii 2018.

Mudaharaadyadan cusub ee Yurub ayaa waxa dhiiri geliyey banaanbaxyada ka socda Canada oo ay wadaan gaadiidleyda dalkaasi oo kala xiray isu socodkii dalalka Kanada iyo Maraykanka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *