Imaaraadka iyo Israel oo kala saxiixday heshiis iskaashiga Ganacsiga & Dalxiiska

Published: February 12, 2022

Imaaraatka Carabta iyo Israel ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad ah oo lagu xoojinayo dalxiiska iyo iskaashiga dhaqaale iyo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah.

Is-afgaradka waxaa u saxiixay Dr. Ahmed Belhoul Al Falasi oo ah Wasiiru Dowlaha Ganacsiga ahna Guddoomiyaha Golaha Dalxiiska ee Imaaraadka, iyo Yoel Razvozov oo ah Wasiirka Dalxiiska Israel oo hadda booqasho ku jooga Imaaraadka.

Dr. Al Falasi waxa uu sheegay in heshiiska is-afgaradka ah uu ku dhacay qaab-dhismeedka heshiiskii Abraham ee labada dal iyo dadaallada lagu kobcinayo iskaashiga dhaqaalaha iyo abuurista iskaashi dhinacyo badan leh.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *