Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka deyrisay xaalada Itoobiya

Published: February 12, 2022

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Aamina Maxamed, oo ka soo laabatay Itoobiya oo ay booqatay gobollada ay colaaduhu ka jiraan ee Tigray, Axmaarada, Canfarta iyo Soomaalida, ayaa Jimcihii cambaaraysay falalka argagaxaleh “oo aan la qiyaasi karin” ee lala beegsaday gaar ahaan haweenka, iyada oo ku baaqday in caddaaladda la hor keeno kuwa galay danbiyada dagaal.

“Nimanku markay dagaalka galaan way soo noqdaan oo waa geesiyaal dhib kasta oo ay qabaan ma aha? Laakiin haweenka la dhaawacay, waxyeello u geystay siyaabo aan la qiyaasi karin, iyagu looma arko geesiyaal. Mushtamacoodana wuu takooraa. Tani waa in la joojiyaa,” ayay tiri Aamina Maxamed.

Colaadda u dhaxaysa ciidammada dawladda Itoobiya iyo Tigrayga tan iyo bishii Nofembar 2020, ayaa waxa ku dhintay kumannaan kun, waxaana barbar socday tacaddiyo, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *