Canada: Ciidamada oo dib u furay xaduuda Maraykanka

Published: February 14, 2022

Wadada xaduuda isku xirta Kanada iyo Maraykanka ayaa dib loo furay xalay fiidnimadii Axadda, waxaana lasoo afjaray mudaharaadkii wadadaasi lagu xiray muddo lix maalmood ah.

Hay’adda Adeegyada Xuduudaha ee Kanada ayaa sheegtay in isu socodka xaduuda dib loo furay, ka dib markii booliiska Kanada ay goobtaasi ka kiciyeen mudaaharaadayaasha ka cabanayey talaalka COVID-19.

Booliiska Kanada oo fuliyey amar kasoo baxay Maxkamada dalkaasi Jimcihii lasoo dhaafay, ayaa xalay xabsiga dhigay qaar kamid ah dadkii xiray wadada buundada xaduuda tagta ee (Ambassador Bridge) ee deegaanka Windsor, Ontario.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *