Canada: Justin Trudeau oo ku dhawaaqay xaalada deg deg ah

Published: February 15, 2022

Raiisel wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa ku dhawaaqay xaalada deg deg ah markii ugu horeysay taariikhda dalkaasi si dowladiisa loo siiyo awood dheeri ah oo ay kaga jawaabto mudaaharaadyada ka dhanka ah dowlada.

Shir jaraa’id oo uu qabtay galabnimadii Isniinta, Trudeau wuxuu ku sheegay inuu u dhaqan gelinayo sharciga xaaladaha degdegga ah, kaasoo u oggolaanaya dowladda federaalka inay qaado “tallaabooyin ku meel gaar ah” muddo 30 maalmood ah inta lagu jiro xaaladaha degdegga ah ee Qaranka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *