Ruushka oo dib u celinaya qeyb kamid ah ciidamadii uu soo dhoobay xadka Ukraine

Published: February 15, 2022

Ruushka ayaa sheegay maanta oo Talaada ah inuu dib u soo celinayo qaar kamid ah ciidamadooda xaduuda wadanka Ukraine.

Tillaabadan ayaa noqon doontaa tii ugu horreysay ee ugu weyneyd ee lagu qaboojinayo xiisaddii asbuucyadii lasoo dhaafay ka jirtay bariga qaarada Yurub.

Hogaamiyayaasha Yurub ayaa wada dadaalo looga hortago dagaal ka dhaca bariga Yurub kadib markii Midowga Yurub iyo Maraykanka ay iyaguna heegan geliyeen ciidamadooda.

Raysalwasaaraha Jarmalka Olaf Scholz iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Moscow, wadahadalkan oo qeyb ka ah dadaalada weli socda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *