Mahad Salaad oo mar kale loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka

Published: February 17, 2022

Mahad Maxamed Salaad  ayaa saaka mar kale loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP147 isagoo heley 101 cod ka dib markii ay tanaasushay murashaxii ka tartamayay, sida uu shaaciyay guddiga maamulka doorashada Galmudug.

Xildhibaan Mahad ayaa markii sadexaad kamid noqonaya xubnaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa sidoo kale maanta lagu doortay labo xildhibaan oo kale oo kala ah; Maxamed Xuseen Abuukar iyo Cumar Cali Cabdi.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *