Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay Jubbada hoose

Published: February 19, 2022

Ciidamada kumaandooska Danab ee xoogga dalka oo ay weheliyaan ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kuwa nabad sugida ayaa howlgal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan gobalka Jubbada Hoose.

Sida ay sheegeen Saraakiisha Hogaamineysay Ciidamada, intii uu socday hawlgalku ciidamadu waxay cagta mariyeen goobo ay ku dhumalaysanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku taala Waraha Buur Qaylo.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalkaas nabad-diidka looga dilay afar maleeshiyo, halka lix xukalana looga dhaawacay.

Howlgalkan ay sameyeen Ciidamada ayaa  yimid ka dib markii qeylo dhaan ay kaga timid dadka deegaanka oo xoolo dhaqato u badan, kuwaas oo u adkeysan waayay dhibaatada argagixisada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *