Kulan Looga Hadlaayay Gurmadka Abaaraha oo ka dhacay Garoowe

Published: February 20, 2022

Madaxwayne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Maamulka Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa warbixino ka dhegaysatay Guddiga Abaaraha ee Maamulka, oo soo bandhigay qorshahooda ku aadan sidii wax looga qaban lahaa xaaladda Abaaraha ee saamaysay shacabka Puntland si gaar ah dadka xoola dhaqatada ah.

Ugu danbayn Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in Maamulka ay u diyaar garowdo sidii wax looga qaban lahaa xaaladda Abaaraha, isaga oo xusay in Goleyaasha ay mushaharaadkooda qayb ugu deeqi doonaan dadka Abaaruhu saaameeyeen si gurmad deg deg ah loogu fidiyo.

Madaxwayne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sidoo kale ayaa faray in Hay’addaha ku hawlaan arrintan oo ay dar-dar geliyaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *