Wasiir Jamaal: Waa in baaritaan Madax-banaan lagu sameeyo Qaraxii Bosaaso

Published: February 20, 2022

Wasiir Jamaal Xasan oo ka tacsiyeeyey qaraxii shalay ka dhacay magaalada Bosaaso ee lala beegsaday goob makhaayad ah oo ay ku sugnayeen qeyb kamid ah wafdigii la socday oo ay ku jireen Nabadoono ayaa sheegay in loo baahan yahay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo qaabka falkaasi u dhacay.

Jiif Caaqil Yasin Cali Dhahar iyo Nabadoon Cabdi Seed ayaa kamid ahaa dadkii ku dhintay qaraxa, waxaana dhaawacyo badan uu soo gaaray dadkii goobtaasi ku sugnaa oo ay ku jireen ergooyinka u yimid Bosaaso doorashada Xildhibaanada.

Issimada Puntland oo uu kamid yahay Boqor Burhan ayaa ka tacsiyeeyey geerida nabadoonada iyo dadkii waxyeelada qaraxaasi soo gaartay, sidoo kale qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa loogu tacsiyeeyay nabadoonada ku dhintay qaraxan.

Qaraxan ayaa kusoo beegmay xili ay xiisad weyn ka taagan tahay magaalada Bosaaso iyo qaabka loo qabanayo doorashada Kuraasta gaareysa 16ka ee Xildhibaanada Golaha Shacabka, iyadoo beelaha kuraastaas leh si weyn uga digayaan in dowlada Puntland soo faro geliso arrimahooda khaaska ah.

Nabadoonada Qaraxa lagu dilay shalay ayaa maalin kahor kulan ay ku qabteen magaalada Bosaaso ku sheegay inaysan ogolaan doonin in la boobo kuraasta beeshooda.

Arrintan oo shaki badan abuurtay in qaraxan uu lug ku yeelan karo arrimo siyaasadeed.

Dhinaca kale xaalada amniga magaalada Bosaaso ayaa muddooyinkii danbe kasii dareysay, iyadoo ay dib u soo noqdeen qaraxyadii magaalada ka dhici jiray arrintan oo loo aaneenayo khilaafkii soo dhexgalay ciidamadii Amniga buuraha sugi jiray ee PSF iyo xukuumada Madaxweynaha Siciid Cabdullahi Deni, taasi oo la rumeysan yahay inay fursad u siisay inay dib usoo noqdaan kooxihii magaalada Qaraxyada ka geysan jiray.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *