Bosaaso: Khasaaraha Qarax miino oo loo dhigay kolonyadii wafdiga Madaxweyne Deni

Published: February 21, 2022

Qaraxan oo ka dhacay duleedka kantaroolka Bosaaso ayaa lala eegtay kolonyo gadiidka wafdiga Madaxweynaha Puntland oo maanta magaalada soo gaaray.

Mid kamid ah gaadiidka ciidamada Madaxtooyada ayuu qaraxu haleelay, waxaana la xaqiijiyey geerida laba askari iyadoo ay jiraan dhaawacyo.

Qoraal lagu baahiyey barta Facebook ee Madaxweyne Deni ayaa loogu tacsiyeeyay 2dii askari ee ku dhimatay qaraxan oo Alle Ha’unaxariiste la kala oron jiray;

Cabdullaahi Maxamed Shafeec iyo Maxamed Axmed Cabdullaahi

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa laba maalin kadib markii qarax lala eegtay makhaayad ku taal magaalada, qaraxaasi oo ay ku dhinteen nabadoono shalay aasqaran loogu sameeyey Bosaaso.

Kooxda Al shabaab ayaa sheegatay qaraxii maanta lala beegsaday wafdiga Madaxweynaha Puntland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment