Deni iyo Bosaaso: Xal malaga gaari doonaa khilaafkii PSF & Doorashada?

Published: February 21, 2022

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa maanta tagi doona magaalada Bosaaso muddo dheer kadib xili Madaxweynuhu uusan weli si rasmi ah u aqbalin go’aanadii kasoo baxay Issimada ee lagu xalinayey dagaaladii magaalada ku dhexmaray ciidamada ka amar qaata iyo kuwa hay’ada PSF.

Madaxweynaha Puntland ayaa marar badan dib u dhigay socdaalka uu ku tagi lahaa xarunta dhaqaalaha Puntland kadib dagaaladii (21-23 December 2021) ay ku dhinteen in ka badan 100 qof, kadib markii ciidamada dowlada ay weerar ku qaadeen xarunta hay’ada PSF oo qaabilsanayd la dagaalanka Al Shabaab iyo Daacish.

Bishii December, Deni oo dagaalka ka dib khudbad uu soo jeediyey ku sheegay inuusan fileyn natiijadii dagaalka Bosaaso ayaa ku dhawaaqay inuu aqbali doono waan waanta Issimada ayaan weli ka jawaabin go’aanadii issimada kasoo baxay bishii Janaayo.

Booqashadan ayaa kusoo beegmaysa xili la isu diyaarinayo Doorashada kuraasta taala magaalada Bosaaso ee Golaha Shacabka Federaalka oo ay durbaba kasoo baxayaan digniino ka imaanaya beelaha kuraasta leh oo xukuumada Puntland uga digaya inay soo faro-gashato kuraastooda, halka qaar kamid ah murashaxiinta kuraastaas ay ka digeen qorshaha maamulka doonayo inuu ku bedalo goobta doorashada ka dhaceyso oo loo wareejiyo teendho laga dhisay Madaarka Bosaaso, halka markii hore ahayd in lagu qabto xarunta Jaamacada Barriga Afrika.

Marka laga yimaado xiisada ka dhalatay dagaalkii dowlada ku qaaday PSF iyo kuraasta taala Bosaaso waxaa sidoo kale horey u jirtay cabasho la xariirta maamulka Dekada Bosaaso oo lagu wareejiyey shirkada P&O DP World oo fulin weyday mashruucii balaarinta dekada. Issimada gobalka iyo ganacsatada ayaa soo jeediyey in masharuucaas lasoo geliyo gacanta shacabka Puntland laguna dhiso hab isku tashi ah oo lamid ah qaabka lagu dhisay dekada Garacad.

Lama yaqaan Madaxweyne Deni qaabka uu u xalin doono qodobadan waaweyn ee horyaal xili la sheegayo inuu ku mashquulsan yahay qorshihiisa murashaxnimada Madaxweynaha Federaalka sida laga soo xiganayo xulafadiisa siyaasadeed, walow uusan isagu weli si rasmi ah ugu dhawaaqin.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *