Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo kormeeray dhismaha cusub ee Wasaarada Qorshaynta 

Published: February 22, 2022

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta kormeeray dhismaha cusub ee Wasaaradda Qorshaynta, horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga caalamiga ah, wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada iyo wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa kormeerkiisa ka bilaabay dhismaha cusub ee Wasaaradda Qorshaynta oo ah dhisme si casriya loo dhisay oo hada maraya meel wanaagsan, hawl-wadeenada shirkada dhismaha gacanta ku haysa iyo masuuliyiinta wasaaradda ayaa warbixin ka siiyey Madaxweynaha, isaga oo uga mahadceliyay shaqada baaxada leh ee ay hayaan farayna inay sii laba jibaaraan.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Mudane Axmed Cilmi Cismaan ayaa kormeeray xarunta la dagaalanka Ayaxa, xarunta Beeraha iyo xarunta Saadaasha hawada ee Wasaaradda Deegaanka Beeraha iyo Isbedelka Cimilada oo ay warbixino kasiiyeen wasiir ku xigeenka Wasaaradda iyo hawl wadeenada xarumaha.

Ugu dambaym Madaxweyen ku-xigeenka ayaa kormeerkiisii maanta kusoo afmeeray wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo uu booqday dhisme yaal cusub oo lagu soo kor dhiyey, islamarkaana warbixin ka dhegeystay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dowlad Goboleedka Puntland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *