Issimada oo Madaxweynaha Puntland kala hadlay dagaaladii ka dhacay Bosaso

Published: February 24, 2022

Issimada Puntland ee ku sugan magaalada Bosaaso ayaa kulan maanta la yeeshay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo maalmahan ku sugan xarunta gobalka Bari.

Issimada Kulanka ku sugnaa ayaa kalaahaa; Boqor Burhaan Boqor Muuse, Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil iyo Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad.

Kulankii maanta oo ka dhacay Beerta Nabada ayaa diirada si gaar ah loogu saaray dagaaladii bishii December ka dhacay magaalada Bosaaso kadib markii ciidamada dowlada weerar ku qaadeen xarunta hay’ada PSF ee la dagaalanka argagaxisada.

Issimada ayaa horey go’aano uga soo saaray xiisadaasi go’aanadaasi oo uusan illaa hada ka jawaabin Madaxweynaha.

Wax natiijo ah kama soo bixin kulankii maanta oo la sheegay in dood dheer oo saacad socotay dhexmartay labada dhinac, iyadoona loo balamay kulan labaad.

Issimada ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan arrimaha kale ee siyaasada iyagoo sheegay in marka hore loo baahan yahay in xal laga gaaro dhibaatadii ka dhacday Bosaaso 21 illaa 23kii December.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *