Guddoomiye Cumar Dhageey oo gaaray Kismaayo

Published: March 2, 2022

Magaalada Kismaayo waxaa goordhow gaaray Guddoomiyaha Guddiga qiimeynta xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubbaland Garbahaareey Cumar Maxamed Cabdulle dhageey iyo xubno ka tirsan guddiga uu dhawaan magacaabay Ra’iisul Wasaaraha.

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa maalinta Beri ku biiri doona Xubnaha ka harsan Guddiga, iyaga oo la kulmi doona Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe.

Guddiga ayaa la filayaa kulanka kadib inay u sii gudbaan magaalada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo, halkaasi oo ah deegaan doorashada labaad ee Jubbaland, waxaana ay soo qiimeyn doonaan xaaladda Degmada, si loogu qabto doorashada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *