Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kulan ka yeelatay habka bixinta Cashuuraha

Published: March 3, 2022

Agaasime ku Xigeenka guud ee dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Goboleedka Puntland Abshir Maxamed Abshir ayaa kulan la qaatay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Goboleedka Puntland ee gobolka Nugaal.

Ku Xigeenka Agaasimaha Guud Abshir ayaa warbixin ka bixyay dadaalada iyo hormarka uu xafiisku sameeyay muddadii koobnayd, oo ay ka mid yihiin.

1-helida dhismaha shaqada
2-tababaro loo qabtay shaqaalaha
3-dib u habaynta Nidamka dakhliga

Kulanka ayaa ka dhacay Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Nugaal, waxana uu kusoo beegmay ka dib markii Dakhliga sanadkii 2021 Gobolka uu noqday 95%, halka sanadkan 2022, kor loo qaaday ku talagalka Miisaaniyadda sanadka taas oo u baahan in shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta heer gobol loo sameeyo kulan baraarujin ah.

Ku Xigeenka agaasimaha Guud ee Dakhliga ayaa xusay in shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta ay si furan u wada hadlaan loona dhageesto afkaarta shaqaalaha ee dhanka hormarinta shaqada iyo baahiyahooda gaarka.

Abshir Maxamed Abshir ayaa shaqaalaha faray in ay markasta soo dhaweeyaan ganacsatada uguna adeegaan bulshada si wanaasgan oo furfuran oo leh soo dhawayn, arrintaan oo horseedi karta biixnta shacabku ay cashuuraha kala duwan bixiyaan.

Kulanka oo kusoo dhamaaday si habsami leh ayaa madaxda iyo shaqaalaha dakhliga gobolka oo soo dhaweeyey in la joogteeyo shirarka noocaan ah si logu kala warqaato loona ogaado xaladaha shaqo ee gobolka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *