Jubbaland oo daah-furtay Munaasabada Anxisinta Istaraatijiyadda Maareeynta Musiibooyinka

Published: March 5, 2022

Madaxweyne ku Xigeenka Dowlad Gobaleedka Jubbaland, Mudane Moxamuud Sayid Aadan ayaa maanta oo daah-furay Munaasabada Anxisinta Istaraatijiyadda Maareeynta Musiibooyinka iyo Arrimaha Bini’aadanimada oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Jubbaland.

Madasha ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka socday Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Golaha Shacabka Baarlamaanka Jubbaland, Maamulka Gobolka, kan Degmada iyo Ururada Bulshada rayidka qeybahooda kala duwan.

Gabagabadii, Wasiirka Wasaaradda, Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa si rasmi ah u saxiixay Istaraatijiyada Wasaaradda 5-ta sanno ee soo socota.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *