Bosaso: Madaxweyne Deni Oo La Kulmay Saraakiisha Ciidamada Puntland

Published: March 7, 2022

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada Amniga Puntland, Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa ku boggaadiyay Ciidamada Puntland sida ay marwalbo heegan ugu yihiin ka shaqeynta Amniga, Guulaha laga gaaray Argagixisada iyo adkaynta Amniga Gudaha iyo dibadda Puntland xilli uu dalku ku jiro marxalad Doorasho.

Dhismaha Ciidamada iyo tayeyntoodu waxay ka mid aheyd ballan qaadyadii Madaxweynaha waana lagu guuleystay, Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Ciidamada in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan sugida amniga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment