Puntland State Oo Ka Hadashay Askar Shil Ku Dhimatay

Published: March 7, 2022

Madaxtooyada Puntland ayaa ka hadashay shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo Ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada gaarka ee Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ku galeen inta dhexeeysa Magaalooyinka Qardho iyo Garoowe.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa waxaa lagu xaqiijiyey geerida Lix Askari oo ka tirsanaa Ciidanka ilaalada Madaxweynaha, kuwaasi oo ku dhintay Shil gaari, sidoo kalena ay jiraan 7 Askari kale oo dhaawac soo gaaray.

“Madaxtooyada Puntland waxay Ciidamada Daraawiishta Puntland uga ka tacsiyeynaysaa geerida 6-Askari oo maanta ku geeriyooday Shil Gaari oo ka dhacay inta u dhexeysa  Qardho iyo Garoowe. Alle Waxaan uga baraynaa in uu janadii geeyo inta geeriyootay, Kuwa dhaawacmayna uu alle u boogga dhayo, eheladii iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeena Alle samir iyo iimaan ha kasiiyo, Aamiin”

Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *