Kismaayo: Xarunta Laanta 2aad ee Hay’adda Socdaalka

Published: March 8, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada Jubbaland ku Qaabilay Agaasimaha Guud Hay’aada Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Cilmi Cali (Cabdul).

Kulanka Madaxweynaha Jubbaland iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxay uga Wada hadleen dardargalinta howlaha xafiisyada Hay’adda iyo sidii loo fududeen lahaa adeegyada bulshada oo ay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu ka bixiso deegaanada Jubaland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa wuxuu Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ku wareejiyey dhul uu ugu tala galay in laga dhiso xarunta Laanta 2aad ee deegaannada Jubbaland oo ay Hay’adda ugu shaqeeyn doonto bulshada reer Jubbaland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *