Garowe: Deni oo isbitaalka ku booqday askar ku dhaawacantay shil gaari

Published: March 10, 2022

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa isbitaalka ku booqday Ciidamo ka tirsan Daraawiishta gaar ahaan Ururka Afraad ee Dayax oo dhowaan ku dhaawacmay shil gaari oo ay ku galeen inta u dhexeysa Qardho iyo Garoowe.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay dhakhaatiirta gacanta ku haysa askarta dhaawaca ah, wuxuuna xaal wareystay iyaga, isagoo faray masuuliyiinta ay khuseyso in xil la iska saaro daaweynta geesiyaashaasi dalkooda iyo dadkooda u shaqeynayay.

Booqashada waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *