Kismaayo: Golaha Wasiirada oo ka shiray Doorashooyinka & Abaaraha

Published: March 10, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa shir Guddoomiyey kulanka golaha Wasiirada oo maanta lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Madaxweynaha ayaa ugu horayn golaha uga warbixiyey xaaladda amaanka xilli ciidamadda ay ku howlanyihiin sugida amniga deegaanada Jubbaland, iyadoo Madaxweynahu uu ku amaanay Ciidaamada sida ay diyaarka ugu yihiin badbaadinta iyo ilaalinta shacabka xilli dalka uu doorasho ku jiro.

Dhinaca kale Madaxweynaha maamul Goboleedka Jubbaland wuxuu golaha warbixin ka siiyay doorashooyinka kasocda guud ahaan dalka iyo si gaar ah Jubbaland isagoo sheegay in ay socdaan dadaalo kala duwan oo ku aadan sidii loosoo dhameeystiri lahaa xubnaha xildhibaanada dhiman ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Intaa kadib Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland ayaa ka warbixiyey xaaladda abaaraha oo kasii daraysa iyo xiriirinta howlaha Gargaarka
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaradda ay isbuucydan soo socda gurmad gaarsiin doonto qoysas gaaraya (97,000) sagaashan iyo todobo kun oo qoys oo isugu jira raashin iyo lacag Iyadoo todobaadkana ay wasaaradda qaabili doonto wafuud calami ah, Wasiirka waxa uu sheegay in aalada fogaan araga uu ka qayb gali doono madasha arrimaha bini’aadanimada Midwoga Yurub halkaa oo uu kaga warbixin doono arrimaha abaaraha ee kajira deegaanada Jubbaland.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Jubbaland ayaa dhinaciisa golaha oga warbixiyey Tababar ku saabsan dabagalka iyo qiimeynta mashaariicda oo la siiyay dhowr wasaaradood iyo hay’adaha kala shaqeeya Xiriirinta Hay’adaha Caalamiga ah ee ku hawlan gurmadka abaaraha kuwaas oo kala ah.

1) Barnaamijka xakameynta fatahaadda webiga Jubba
2) Barnaamijka Biyooley iyo dhismaha xarunta kaluumeysiga ee Buurgaabo
3) Xogg ururinta awoodda dhaqaalaha ee qoyska oo ka billaabaneysa Jubbaland bishan dhamaadkeeda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *