Gaalkacyo: Cabdiraxmaan Cagaweyne oo loo doortay Xildhibaan

Published: March 13, 2022

Waxaa hadda lasoo gabagabeeyey tirinta codadka ergadii dooraneysay xildhibaanka qaadanaya kursiga HOP#095 oo caawa ay doorashadiisu ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Cagaweyne) ayaa ku guuleystay kursigaan oo ahaa mid loo galay tartan furan oo adag, waxuuna ahaa midka ugu tartanka adag seddaxdii kursi ee maanta lagu doortay magaalada Gaalkacyo.

Seddax musharax oo kala ah:

1 – Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud

2 – Maxamuud Nuur Iimaan

3 – Maxamed Saciid Faarax

Ayaa ku tartamay kursigaan oo wareeg labaad la isla aaday, waxayna wareegii koowaad kala heleen Maxamed Saciid 44-cod, Cabdiraxmaan Cagaweyne 35-cod, halka Maxamuud Iimaan uu helay 20-cod, waxaana wareega labaad u gudbay Maxamed iyo Cabdiraxmaan.

Cabdiraxmaan Cagaweyne ayaa wareegii labaad ku guuleystay codad dhan 54, halka Maxamed Saciid oo laga guuleystay uu helay 47-cod.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *