Madaxweynaha Puntland oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Published: March 13, 2022

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay, Wafdi ay  hoggaaminayso  Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho iyo Wafdi ay hoggaaminayso.

Wafdigaan uu maanta qaabilay Madaxweynuhu waxaa ka mid ah Wakiilka Midowga Europe ee Soomaaliya Tiina Intelmann, Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, Ku-xigeenkiisa Fiona Lortan iyo Ibraahim Maxamed Cabdi oo ka socda IGAD.

Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Doorashadda iyo Abaaraha, waxaana Madaxweynaha Kala qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *